Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Miino kula qaraxday deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.
Gaariga oo ahaa nooca Soomalida u taqaano Hoomeyda ayaa miinada nooca dhulka lagu aaso qabsatay xilli uu marayay deegaanka Gaabo gabdhoole ee ku dhow degmada Cabdi dhoore ee duleedka Kismaayo.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi miino ay ku dhinteen intooda badan dadkii Shacabka ahaa ee Gaariga saarnaa kuwo kalena ay ku dhaawameen, kuwaas oo la geeyay isbitaallada ku yaalla Magaalada Kismaayo.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku eedeeyay in falkaasi ay ka dambeeyaan Ururka Al-Shabaab oo ay sheegeen in miinada ay goobta ku Aaseen.
Dhowr jeer oo hore ayaa waddooyinka ku yaalla deegaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa qaraxyo lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee ka tirsan howlgalka AMISOM iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland, sidoo kalena ay miino kula qaraxday Gawaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.