Mareykanka oo dilay hoggaamiyihii kooxda ISIS

0
431

Hoggaamiyihii kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ayaa lagu dilay howlgal xalay ka dhacay gobolka Idlib ee waqooyiga galbeed ee dalka Syria.
Waxaa sidatan maanta ku dhawaaqay madaxweynaha wadanka Mareykanka Joe Biden.
Weerarka ayaa lagu beegsaday Abu Ibraahim Al-Hashimi Al-Qurayshi, oo hoggaanka kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS la wareegay 31-dii bishii Oktoobar ee sanakii 2019-kii, maalmo un ka dib markii hoggaamiye Abu Bakr Al-Baghdadi uu ku dhintay howlgal ay Mareykanka ka fuliyeen isla aagaas.
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Al-Qurayshi uu u dhintay si la mid ah Al-Baghdadi, isaga oo isku qarxiyey bam dilay isaga iyo xubno ka mid ah qoyskiisa, oo ay ku jiraan haween iyo caruur ka dib markii ay kusoo siqeen ciidamada Mareykanka.
Waxaa sidoo kale loo yaqaanay Amir Muhammad Sa’id Abdal-Rahman Al-Mawla.
Howlgalka ayaa yimid xilli ay ISIL isku dayayeen inay dib usoo laba kacleeyaan, ayaga oo weerarro dhowr ah ka fuliyey gobolka.
Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa kusoo degay diyaaradda nooca sida qumaatiga u kacdo ee helicopter, waxayna weerareen guri ay Kooxda ISIS ku lahayd dalka Syria, ayaga oo iskudhac socday laba saac uu dhexmaray koox hubeysan, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.
Dadka deegaanka ayaa sheegay is-rasaaseyn xooggan iyo qaraxyo aad looga maqlay magaalada Atmeh oo uu dhow xuduudda dalka Turkiga, oo ay ku yaallaan xerooyin ay ku jiraan dad kusoo barakacay dagaalka sokeeye ee Syria.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in 13 qof lagu dilay iska hor imaadka, oo ay ku jiraan lix carruur iyo afar haween ah.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu amray weerarka si uu ilaaliyo shacabka Mareykanka iyo xulufadiisa ugana dhigo dunida meel amni ah.
“Ayada oo ay ku mahadsan yihiin ciidamadeena geesiyada ah ee xirfadda leh, waxaan goobta dagaalka ka saarnay Abu Ibraahim Al-Hashimi Al-Qurayshi hoggaamiyihii ISIS,” ayuu Biden ku yiri bayaanka uu soo saaray.