Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Musharaxiinta Soomaaliya oo sheegay inuusan waxba iska badalay banaanbax ay ku baaqeen

DHAGEYSO:Musharaxiinta Soomaaliya oo sheegay inuusan waxba iska badalay banaanbax ay ku baaqeen

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa kadib Go’aamo dowlada Soomaaliya oo looga hortagayo faafitaanka Cudurka Covid 19 waxya sheegeen inuusan waxba iska badalin go’aanka Banaanbaxa ay maalinka Jimcaha ah ku baaqeen.
Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in banaanbaxaan yahay mid Nabadeed dowlada iyo Hay’daha amaankana looga baahan yahay inay shacabka Fursad u siiyaan inay aragtidooda cabiraan isagoo dhanka kalena dowlada dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay inay Cudurdaar ka dhigayso inaan la isku imaan Karin cudurka jira awgiisa.

Shir ay Shalay isugu yimaadeen Wasiirada wasaaradaha qaabilsan ka hortagga Cudurka Coronaviur ayaa waxaa Warbixino looga dhageystay bahda Caafimaadka Soomaaliya, taasoo ku saabsan cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.
Wasiirka Wasaaradda Warfafinta Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa faah faahin ka bixiyay Go’aano kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo la xiriira cudurka Coronavirus, oo maalmihii la soo dhaafay kiisas cusub laga helay Soomaaliya, waxaana Go’anada kamid ah.
1: In dhamaan la fasaxay Shaqaalaha dowladda marka laga reebo kuwa muhiimka u ah Shaqada.
2: In Shaqaalaha & dadka kale ay xirtaan afxirka ee ( MASKA) sidoo kalena ay badiyaan kala foganshaha.
3: In la yareeyo isku socodka dadka sida safarada, sidoo kale masaajida lagu dadaalo kala foganshaha iyo xirashada afdaboolka.
4: Dhamaan Ciidamada Ammaanka ayaa lagu amray inay fuliyaan go’aanada kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments