DHAGEYSO:Amb. Safiina “Waxaan rajo ka qabnaa in si degdeg ah loo dhameeyo doorashada golaha shacabka Soomaaliya”

0
365

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya Axmad Safiina ayaa sheegay in doorashada Golaha Shacabka ay u socoto sidii loogu talo galay, islamarkaana maalinta berri ah ay soo xiri doonaan doorashada 100 kursi ee baarlamaanka ah.
Xilli uu Warbaahinta kula hadlay Gudaha Dugsiga tababarka Booliska ee Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho oo Maanta lagu qabtay doorashada Afar Kursi ayuu sheegay in si dardar leh ay ku socota doorashada ayna rajo ka qabaan in jadwalkii loo asteeyay ee 25-ka Bishan in lagu soo gabagabeeyo.
Waxaa uu ugu dambeyn ku baaqay in la ilaaliyo Qoondada Haweenka, islamarkaana Beeshii Saddex kursi leh mid ka mid ah dumar laga dhigo