Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Hindise sharciyeedka BBI oo ilaa iyo hadda laga ansaxiyay 7 ismaamul

Hindise sharciyeedka BBI oo ilaa iyo hadda laga ansaxiyay 7 ismaamul

Toddobo ka mid ah golayaasha ismaamullada dalka ayaa ilaa iyo hadda ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI ee la doonayo in wax looga beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka wadanka u degsan.
Dowlad deegaannadan ayaa kala ah Kajiado ,Siaya, Kisumu, Homa Bay, Galbeedka Pokot ,Trans Nzoia iyo Busia .
Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Baringo ayaa diiday in ay ansaxiyaan hindise sharciyeedkan in kastoo dacwad arrinkaas looga soo horjeedo maxkamadda loo gudbiyay.
Waxay tani micnaheedu tahay in loo baahan yahay taageerada 17 ismaamul oo dheeraad ah si qorshaha aftida loogu gudbiyo baarlamaanka ka dibna loogu codeeyo.
Barasaabka ismaamulka Kajiado Joseph Ole Lenku ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaadeen wakiillada.
Sidoo kale qaar ka mid ah ismaamullada dalka sida Embu, Kakamega, Nairobi, Laikipia iyo Kiambu ayaa qabtay kulamo dadweynaha ay kaga aragti dhiibteen qorshaha ku aaddan isbeddelka lagu sameynayo xeerarka wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments