Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo saaka xiran

0
410

Ciidamada booliska ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka xiray waddooyinka qaar ee muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
Goobaha la xiray ayaa waxaa ka mid ah, laga soo bilaabo isgoyska Jubba ilaa Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar-Jajab, laamiga buundada koowaad ilaa Ceelgaabta, waxaana ciidamada ay gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidayaan inay isticmaalaan waddooyinkaas.
Sababta xeritaanka waddooyinkan ayaa waxaa lagu sheegay in maanta xarunta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Iskuul Bulusiya lagu qabanayo doorashada lix kamid ah kuraasta golaha shacabka ee gobollada Waqooyi.
Ciidamada booliska ayaa la sheegay in ay caado ka dhigteen inay xiraan waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho markii doorashada xildhibaannada golaha shacabka la qabanayo iyo markii madaxda ay ka dhoofayaan dalkaasi.