DHAGEYSO:Suuqa Bakaaraha oo maanta dib loo furay

0
797

Ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa maanta oo Axad ah dib u furay Ganacsigooda ka dib muddo afar cisho ah oo ay u xirnaayeen Amarro kasoo baxay sida la sheegay kooxda Daacish.
Ganacsatada Suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta uu Suuqa yahay mid Gabi ahaanba furan oo aysan jirin ganacsi u xiran amarradii kasoo baxay kooxda Daacish.
Dhanka kale taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in aan la aqbali doonin mar dambo goob ganacsi oo xiran, iyaga oo qiil ka dhiganayo amar kasoo Baxay Daacish.
Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinnada Soomaaliya ayaa sheegay in ay wada shaqeyn wanaagsan ay ka heleen Bulshada Soomaaliyeed taasna ay sababtay in goobihi ganacsiga ee la xiray in dib loo furo.
Waxaa uu sheegay in ganacsatada looga baahanyahay in ay lasoo xiriiraan Taliska Booliska si cabashadooda wax looga qabto.

Ganacsatada ayaa sheegay in kooxda Daacish ay waydiisatay, boqolkiiba sodon inuu ka bixiyo qofka ganacsadaha ah hantida uu ku shaqeeyo.
Ganacsatada ayaa horay u bixin jiray lacago ay ku soo rogeen kooxda kale ee Al-Shabaab.
Sidoo kale dowladda ayaa canshuur ka qaadda ganacsatada.