Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaliland Sacad Cali Shire oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinnada maxalliga ah ee magaalada Hargeysa ka howlgasha ayaa ka hadlay heshiiskii 19 boqolkiiba saamiga dekedda Berbera ay ku yeelanaysay dowladda Itoobiya.
Waxaa uu sheegay in gabi ahaanba heshiiska saamigaas uu xilli hore burburay islamarkaana dowladda Itoobiya waxba ku lahayn dakhliga ka soo xaroonaya Dekedda Berbera.
Waxaa uu xusay in wixii faa’iido ah oo ka soo baxa Dekedda Berbera ay hadda leeyihiin Somaliland iyo shirkada Dp-world oo kali ah.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Somaliland oo sheegtay inuu meesha ka baxay saamigii ay dowladda Itoobiya ku...