DHAGEYSO:Buulloburde oo xaalad Bina aadanimo ka jirto

0
488

Degmada Buulloburde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay kajirto Xalad bino’aadinimo oo ay wajahayaan dadka degmadaasi ku nool.
Axmed Saney Maxamed oo ka mid ah xildhibaan Maamul goboleedka Hirshabelle oo dhawaan gaaray Magaalada Buuloburde ayaa sheegay in xaalado binu’aadanimo ay ka jirto Magaalada Buulloburde, isagoona ku baaqay in gurmad deg deg ah loo sameeyo dadka ku nool Magaalada BuuloBurde.

Dhanka kale Madaxweyne Ku-xigeenka Mamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa shir guddoomiyay Kulanka amniga Gobolka Hiiraan, oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Taliyaha Booliska Hirshabeelle Korneyl Xasan Dhicisoow Xasan, Saraakiisha AMISOM iyo saraakiisha Ciidanka xoogga dalka.
Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in la iskula eegay Xaaladda degmada Buulo-burde iyo qaabkii loo dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo guddoomiyaha degmadaasi Feysal Haajir Aadan.
Taliyaha Booliska Maamul Goboleedka Hir-shabeelle iyo saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ayaa warbixin la xiriirta xaalada amni ee Gobolka Hiiraan waxaay u gudbiyeen Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Madaxweyne Kuxigeenka Hir-shabeelle Yuusuf Dabageed ayaa Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ka dalbaday in la daradar geliyo howlaha sugida amniga ee Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here