Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo sheegay in Beledweyne ay ciidamadu ku sii sugnaan doonaan

0
325

Madaxweyne ku xigeenka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle Yuusuf Axmad Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in ciidamada dhawaan la geeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan loo baahanyahay inay sii joogaan halkaas.
Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka taagnaa ismariwaa ku aadan imaanshaha Madaxweynaha maamulkaasi ee Cali Guudlaawe.
Sidoo kale Kulan shalay ay yeesheen Golaha wasiirrada Soomaaliya ayay ooga hadleen ciidanka dhawaan la geeyey magaalada Beledweyne oo ay wasiirradu sheegeen inaysan waxba kala socon, waxayna golahu isku raaceen oo la faray taliyeyaasha inay ciidanka kusoo celiyaan goobihii ay horay ugu sugnaayeen lagana soo saaro magaalada Beledweyne.
Hasa ahaate madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle ayaa xilli uu warbaahinta la hadlay sheegay in ciidanka ay u baahanyihiin.
Waxaa uu intaasi ku daray in ciidamadaaasi ay gobolka ku sii sugnaadaan si ay wax uga qabtaan waxa uu ugu yeeray cadowga Hirshabeelle iyo Soomaaliya.