Fal argagixiso oo ka dhacay galbeedka Lamu

0
440

Ciidamada ammaanka ee galbeedka ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa xaqiijiyay in ilaa 6 sarkaal oo ka shaqeeya waaxda garsoorka ay dhaawacmeen ka dib markii la weeraray baabuur ay saarnaayeen.
Baabuurka siday ayaa ka yimid tuulada Kipin ee xadka ismaamullada Lamu iyo Tana River.
Magacyada saraakiisha dhaawacmay ayaa lagu kala sheegay Paul Rotich, Abel Barisa oo ahaa oo ka dhaawacmay dhanka jilibka Boy Njue oo ahaa karaaniga maxkamadda , Frank Sirima oo ka tirsan waaxda dacwad soo oogidda, Moses Bett iyo Willis Mgendi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo ka kala tirsan waaxyo kala duwan ay gaareen goobta uu weerarku ka dhacay iyagoo xaaladda dejinaya.
Saraakiisha falkaasi oo ay laamaha ammaanka ku tilmaameen ku dhaawacmay ayaa lagu daweeyay xarunta caafimaad ee Shuheyla.
Waxaa falkan ka sii horreeyay labo kale oo abaare 5-tii galabnimo ee shalay laga gaystay aagga Lango la Simba oo ay weerareen burcad ilaa 6 ah.
Ismaamulka Lamu ayaa waxaa horay uga dhacay falal amni darro oo is xigxigay iyadoo ay dowladda dhexe wacad ku martay inay sii wadayso howlgallada ka dhanka ah shakhsiyaadka weerarrada gaysta ka dibna ku dhuumaaleysta keymaha.