Mas’uuliyiinta wasaaradda ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug, hoggaanka xiriirka kubadda cagta, madaxda magaalada, gobolka iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhagax dhigga
Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Galmudug Xuseen Cabdulle Xasan oo hoggaamiyay munaasabadda ayaa sheegay in dayactirka iyo dhismaha gegida ciyaaraha Dhuusamarreeb ay macno weyn u leedahay dhallinyarada, nabadada, xasilloonida iyo horumarka deegaanka, isagoo u mahadceliyay deeq-bixiyeyaasha oo ah dowladda boqortooyada Norway.
Xasan Kaniif, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Galmudug oo soo dhoweeyay tallaabadan horusocodka iyo dhiirrigelinta u ah ciyaaraha gaar ahaan kubadda cagta, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay waxtar u leedahay isboortiga iyo isdhexgalka bulshada.
Mashruuca maanta la dhagax dhigay ayaa beegsanaya aqlabiyadda dadka Soomaaliyeed oo ah dhallinyarada oo tiro ahaan lagu qiyaaso in ay yihiin 4 dalool 3 ama 75%.
Calas Cabdinuur Barre, guddoomiyaha ururka dhallinyarada magaalada Dhuusamarreeb – oo qeyb bulsho oo boos weyn uga meeleysan nolosha mujtamac kasta ayaa sheegay inay ku mahadinayaan dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedka Galmudug iyo maalgeliyeyaasha mashruuca.
Haddii sida saxda ah looga faa’iideysto mashruucan iyo kuwa la midka ah, sida; naleynta wadooyinka magaalada iyo adeegyada kale ee horumarinta ayaa waxa ay xoojinaysaa isdhexgalka bulshada, dib-u-heshiisiinta, nabadgalyada, xasilloonida, amaanka, kobaca dhaqaaaha iyo u dhaqaaqidda la baratanka Dhuusamarreeb ee asaaggeeda hiigsaday heerka sare.
@norwayinsomalia
Home Wararka Soomaaliya SAWIRRO:Garoonka kubadda cagta ee Dhuusamarreeb oo dayactir iyo qalabeyn lagu sameynayo