Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Taliye Xijaar oo sheegay inay diyaariyeen ciidamo ka hor tagga akhlaaq darrada...

DHAGEYSO:Taliye Xijaar oo sheegay inay diyaariyeen ciidamo ka hor tagga akhlaaq darrada baraha intarneetka

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamad Xijaar ayaa sheegay in dalka ay kusoo bateen gaar ahaan Baraha Bulshada waxyaabaha aklaaq xumada ah ee dadku ku faafinayaan, iyaga oo soo marsiinaya tiknoolajiyadda Casriga ee Adduunka ka hana qaadday.
Taliyaha oo Maanta ka qayb galayay Shir Sanadeedka Garsoorka dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay soo baxeen dambiyo cusub oo aan horay loo arag kuwaasi oo wax u dhimaya akhlaaaqiyaadka Bulshada, saameyna ku leh dhaqanka.
Waxaa uu intaasi ku daray inay sameeyeen oo ay tababareen Ciidan gaar ah oo la socda kana hortagga dambiyada iyo akhlaaq darrada ka dhaca baraha bulshada ee Social Media.
Waxaa uu Ciidamada ku amray inay Bulshada ku ilaaliyaan anshaxa wanaagsan.
Mar uu arrimaha ka hadlay ayuu yiri taliyaha ciidanka booliska dalka Soomaaliya

Hadalka kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer Baraha Internetka ee la isticmaalo lagu soo bandhigay waxyaabo anshax ahaan aan wanagsaneyn, kuwaas oo saameyn tooda si wayn looga dareemay dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments