Ruto iyo Mudavadi oo maanta isku soo bax siyaasadeed ku qabanaya Nakuru

0
373

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa la filayaa inay maanta si wadajir ah isku soo bax siyaasadeed ugu qabtaan ismaamulka Nakuru .
23-kii bishan ayay ahayd markii ay labadan mas’uul si rasmi ah u shaaciyeen inay wada shaqeynayaan.
Marka ay ka gudbaan Nakuru waxay ololahooda siyaasadeed geyn doonaan gobollada galbeedka iyo bartamaha.
Xildhibaanka deegaanka Kapsaret Oscar Sudi ayaa dhankiisa sheegay in heshiiska dhex maray William Ruto iyo Musalia Mudavadi aanan looga gol-lahayn in lagu qaybsado jagooyin.
Barasaabka dowlad deegaanka Nakuru Lee Kinyanjui oo taageersan garabka siyaasadeed ee Raila Odinga ayaa hoggaamiyaasha ANC,UDA iyo Ford-Kenya u sheegay inay ismaamulkaasi ololahooda uga sameyn karaan si nabad ah iyadoo isku soo baxyada qorsheyan aan khalkhal la gelin.