Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Wasiir Beyle oo sharraxay sababta uu ku waayay kursiga xildhibaanimada

DHAGEYSO:Wasiir Beyle oo sharraxay sababta uu ku waayay kursiga xildhibaanimada

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shir ja’raaid oo uu maanta qabtay waxa uu ku sharraxay sababta uu ku waayay kursiga xildhibaanimada oo uu muddo ku fadhiyay.
Wasiir Beyle oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kursigiisa uu ku waayay arrimo badan oo ku saabsan howlaha miisaaniyadda oo uu iska diiday.
“Waxaan doonayaa inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aniga waxaan runtii halkaan u jooga inaan maamulo miisaaniyadda dalka, xildhibaan haddii uusan wasiir la socon kolayba aniga ma joogeen, sharaf wayn ayay ii tahay inaan xildhibaan ahaado laakiin haddaan tayda ka hadlo miisaaniyadda iyo dhakhaalaha dalka inaan u maamulo si sharciyeysan ayaan jooga.” Ayuu yiri wasiir Bayle.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in sida hufan ee uu shaqadiisa u wato ay sababtay inuu ku waayo dad badan oo ay asxaab ahaayeen.
“Wax walba oo carqalad yar u keenaya habsami u socodka maaliyadeed anigu waan iska leexiyay, marka si ayaan u arkay in kursigii iyo maaliyaddii ay isku taabanayaan.” Ayuu wasiirka raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments