Al-Shabaab oo war kasoo saartay dilka guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan

0
756

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow ayaa xalay koox ku hubeysneyd Bastoolado waxaa ay ku dileen xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, xili uu kusoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in Cabdiraxmaan Ibraahim ay toogasho ku dileen rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolado, kuwaas oo markii dambe goobta ka baxsaday, waxaana durbo goobta uu falku ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda.
Kooxda Al-shabaab oo warar ay ku qoreen barahooda khadka Internet-ka ayaa waxaa ay sheegteen mas’uuliyada weerarka lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo lagu khaarijiyey Magaalada Muqdisho.
Alle u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa muddooyinkii u dambeysay daganaa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadi, ka dib markii uu kasoo guuray Magaalada Beledweyne oo uu deganaa.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii dambe kusoo batay falalka amni darro, waxaana maalmo ka hor gudaha degmada Yaaqshiid lagu dilay Nabaddoon caan ahaa, sidoo kalena Caasimadda ay ka dhacayeen qaraxyo khasaaro kala duwan dhaliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here