Japan oo adkeynaysa xayiraadaha COVID-19

0
266

Dowladda Japan ayaa laga billaabo maanta sii adkeynaysa xayiraadaha ay ku xakameynayso faafitaanka cudurka COVID-19.
Waxaa xilli hore la xirayaa maqaayadaha iyo goobaha lagu caweeyo ee ku yaalla magaalada Tokyo iyo deegaano kale oo dhowr ah.
Tani ayaa timid ka dib markii ay halkaasi ku kordheen xaaladaha faraca corona ee Omicron.
In kastoo shacabka Japan badankoodu laga tallaalay cudurka haddana in yar oo ka mid ah ayaa helay irbadda xoojinaysa tallaalka.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi ayaa maanta ansaxisay in nooca tallaalka ee Pfizer la siiyo carruurta ay da’doodu tahay 5 ilaa 11 sano.
Shalay ayay ahayd markii magaalada Tokyo laga xaqiijiyay xaalado cusub oo corona oo gaaraya 8,638.