Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo si adag ugu jawaabay xildhibaankii waday dooddii aqoonsiga Somaliland

0
490

Wasiirka Qorshaynta ee xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamad Xasan, ayaa si adag uga jawaabay qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ahaa mudanihii aqalka barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalailand.
Wasiir Jamaal ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta, Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan”
Xildhiaban Gavin oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaanka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqoonsan lahayd Somaaliland.