Xaaladaha Nepal ee COVID-19 oo kordhay

0
624

Dowladda dalka Nepal ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay diiwaangelisay xaalado cusub oo ah kuwa caabuqa corona oo gaaraya 10,258.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badnayd ee hal maalin gudaheeda la xaqiijiyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladaha corona ee Nepal laga cabsi qabo inay sii laba jibaarmaan dhammaadka bishan.
Tirada guud ee kiisaska ee ilaa iyo hadda dalkaasi laga diiwaangeliyay ayaa ah 972,198 halka dhimashadu ay marayso 11,624.
Maamullada Nepal ayaa dhanka kale kordhiyay muddada ay sii jireyso xayiraadda lagu mamnuucay isku imaatinka dadweynaha ee aagga dooxada Kathmandu Valley oo ay ku nool yihiin in ka badan 4 milyan oo qof.
Xayiraaddan ayaa ku ekaan lahayd 29-ka bisha balse waxay sii jiri doontaa ilaa 12-ka bisha Febraayo.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee Nepal ayaa laga soo xigtay in dawooyinka tallaalka COVID-19 la siiyay boqolkiiba 40.6 ee shacabkeeda .