DHAGEYSO:Booliska Siaya oo baaritaano sameynaya ka dib meydad lagu arkay webiga Yala

0
399

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Siaya ee gobolka Nyanza ayaa billaabay baaritaano ku aaddan meydad gaaraya 21 oo la sheegay in lagu tuuray webiga degmada Yala ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa arrintan xaqiijiyay taliyaha booliska ee Siaya Michael Muchiri .
Muchiri ayaa xusay inuu taliyaha booliska ee deegaanka Gem ku amray in saraakiil dhowr ah la geeyo goobta loo yaqaano Ndanu falls si gacanta loogu soo dhigo eedeysanayaasha meydadka halkaasi ku tuuraya .
Tani ayaa timid ka dib markii shacabka Yala ee deegaanka Gem ay walaac ka muujiyeen meydad ay sheegeen in iyagoo baabuur lagu sido halkaasi looga tago.
Nicholas Okero Okite oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in 6-dii bilood ee ugu dambeeyay uu soo saaray meydad gaaraya 31 qof.
Qaar ka mid ah dadka deegaankaasi ayaa dhacdadan uga warramay warbaahinta

Agaasimaha hay’adda xuquuqul aadanaha ee Haki Africa Xuseen Khalid ayaa dhankiisa xusay in xaaladdu aynan fududeyn sidaas awgeedna laamaha ammaanka looga baahan yahay inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah.