DHAGEYSO:Janeraal Xuud oo wareysi uu bixiyay ku sheegay in uu Muqdisho tagaya

0
406

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu magaalada Muqdisho soo gaaro Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo si wayn uga soo horjeeday hannaanka awood qaybsiga ee maamulka Hirshabeelle.
Sababaha imaanshaha janeraalka ee Muqdisho ayaa ka dambeysay ka dib markii uu wada-hadal la billaabay dowladda Soomaaliya, waxaana is-afgarad horudhac ah ay wada gaareen taliyaha ciidamada dhulka ee dalka Soomaaliya Janeraal Maxamad Tahliil Biixi.
Taliyaha Xuud ayaa dhanka kale sheegay in uusan kulama la yeelan madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmad Xagar (Dabageed).

Janeraal Abuukar Warsame Xuud oo wax laga weydiyay waxa uu uga duwan yahay kulankii uu la yeeshay taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya kulamadii hore ee xal raadinta, ayaa sheegay in waxyabaha loo soo bandhigay aysan ahayn kuwa uu tilmaamay inaysan dani ugu jirin shacabka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu intaa ku daray in marka uu yimaado magaalada Muqdisho uu la kulmi doono madaxweynaha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Janeraalka oo wax laga weydiyay in uu aqbali doono haddii xil ama dhaqaale la siiyo xal waara looga gaaro, hasa ahaate waxaa uu sheegay in uu yahay shakhsi qaran.

Janeraal Abuukar Warsame Xuud ayaa ku dhawaad sanad waxa uu si wayn uga soo horjeeday habka loo maray dhismaha maamulka Hir-Shabeelle, wuxuuna dhowr jeer magaalada Beledweyne iyo duleedkeeda uu kula dagaalamay ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here