Qayb ka mid ah waddada Thika-Garissa oo maanta la xiraya

0
1266

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa shaaciyay in laga billaabo maanta ilaa 5-ta bisha Afaraad ee sanadkan la xiri doono qayb ka mid ah waddada wayn ee xiriirisa Thika ilaa iyo Garissa.
Tani ayaa loo aaneeyay howlo dhismo oo halkaasi ka socdo.
Bayaan la soo dhigay barta rasmiga ee KeNHA ee Twitterka ayaa muujinaya in qaybta la dhisayo ay xigto dhanka aagga webiga Kathuluni ee ismaamulka Machakos.
Waddadan ayaa xirnaan doonto muddo 76 cisho ah.
Gaadiidleyda ayaa lagu boorriyay inay u hoggaansamaan tilmaamaha ciidamada waddooyinka ee taraafikada.
Sidoo kale baabuurleyda ayaa loogu baaqay inay taxaddar muujiyaan marka ay ka leexanayaan goobaha loo asteeyay.