Macallimuu oo loo qaadayo dalka Turkiga ka dib qaraxii shalay lala beegtay

0
687

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya oo ku dhaawacmay qarax lala beegsaday gaarigiisa ayaa daaweyn loogu qaadayaa dalka dibaddiisa gaar ahaan wadankaTurkiga.
Shalay ayay ahayd markii uu ku dhaawacmay qarax ay la beegsadeen kooxda Al-Shabaab.
Waxaana ka hor intaa aan loo qaadin dalka Turkiga xaaladdiisa lagula tacaalay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhakhaatiirta sheegeen in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay.
Maxamad Ibraahim Macallimuu ayaa afar goor oo hore ka badbaaday qaraxyo iyo weerarro ka dhacay goobo uu ku sugnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here