Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Maxamad Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax shalay Al-Shabaab la beegsadeen.
Rw Rooble ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad degdeg ah.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda, kuwaas oo u sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay soo hagaageyso.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macallimuu ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday qaraxyo lala beegsaday Goobo uu ku sugnaa, balse qaraxaan ayaa ahaa mid isaga si toos ah loola beegsaday.
Home Wararka Soomaaliya Rw Rooble oo isbitaalka ku booqday dhaawaca afhayeenka xukuumadda Soomaaliya