DHAGEYSO:Soomaaliya oo faahfaahisaay qaaraanka qaramada midoobay ee la sheegay in aysan bixin

0
766

Xilli dhawaan Qaramada Midoobay ay shaacisay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay bixin qaaraanka jimciyadda qurumaha ka dhexeyso ayaa waxaa Warkaasi faahfaahin ka bixisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Danjiraha u fadhiya Soomaaliya Qaramada Midoobay Abuukar Balle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 1989-kii ilaa 2017-kii aysan bixin Qaaraanka Xubinnimada Qaramada Midoobay, balse Soomaaliya ay intaasi u furneyd inay Xibin ka noqoto Qaraamada Midoobay maadaama duruufo badan iyo dagaalo sokeeye ay ka dhaceen dalkaasi.
Danjiraha oo la hadlay Teleefishinka maxalliga ee Universal ayaa sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii ilaa 2021 dowladda Soomaaliya ay bixineysay lacagihii la iska rabay sanad walba oo dhan qiyaastii 35,000 ama 37,000 oo Dollar.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya labadii sano ee la soo dhaafay ay wadahadal kula jirta Guddiga u qaabilsan qaaraamaadka dowladaha bixiyaan sidii Soomalaiya u heli lahayd in muddo qabsato si lacagaha lagu leeyahay loo biixyo.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa aad loo hadal hayay lacagaha qaaraanka ah oo qaraamada Midoobay ku leedahay dowladda Soomaaliya, xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo muuqatay fagaarayaasha Caalamiga ah, dowr wayna ku leedahay howlaha Qaramada Midoobay.