Hoggaamiyaha ANC oo ka maqnaa kulan ay siyaasiyiinta mucaaradka ee OKA ku yeesheen Naivasha

0
335

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa ka maqnaa kulan xubnaha isbeheysiga OKA ee shalay ku yeesheen magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Maqnaanshaha kulankaasi ee hoggaamiyaha xisbiga ANC ayaa mugdi sii gilisay mustaqbalkiisa siyaasadeed ee isbeheysiga OKA.
Waxaa isbeheysiga OKA ku mideysn hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee kala ah Kalonzo Musyoka(Wiper), Musalia Mudavadi (ANC), Gideon Moi(KANU) iyo Moses Wetangula ee (Ford-Kenya) .
Kulanka uu ku maqnaa Musalia Mudavadi ayaa diiradda lagu saaray qaabka ugu habboon oo heshiis lagu yahay islamarkaana lagu magacaabayo cidda calanka u sideyso isbeheysiga OKA ee doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Hoggaamiyaasha isbeheysiga OKA ayaa dhanka kale sheegay in dhawaan ay shaaca ka qaadayaan cidda xilliga doorashada guud ku matali doonto loolanka madaxtinimo.
Kulanka isbeheysiga OKA ee lagu qabtay magaalada Naivasha ayaa ahaa mid lagu soo afjaray shir 3 cisho u socday koox farsamo oo loo xilsaaray in ay la yimaadaan qorshe istiraatijiyadeed oo ku saabsan magacaabista cidda calanka u sideyso isbaheysiga One Kenya Alliance.
Hasa ahaate maqnaanshiyaha Mudavadi, oo ka mid ah madaxda ugu muhiimsan ee isbeheysiga OKA ayaa shaki weyn ka dhalisay goobta uu shirku ka socday, ka dib markii la isla dhexmarayay hadal ah in uu doonaya inuu la midoobo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Shirka siyaasiyiinta OKA ayaa kusoo aadaya, iyadoo la qorsheynayaa inuu 23-ka bishan xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ay kulan ku yeeshaan xubnaha xisbiga ANC kaasoo shaaca looga qaadi doono cidda ku matalaysa loolanka madaxtinimo ee bisha siddeedaad.\

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here