DHAGEYSO:Xayiraadaha COVID-19 ee Filibiin oo sii shaqeynaya ilaa dhammaadka bishan

0
317

Dowladda dalka Filibiin ayaa kordhisay muddada ay sii jirayaan xayiraadaha ay ku xakameynayso faafitaanka caabuqa corona.
Tallaabooyinkan ayaa la adeegsan doonaa ilaa 31-da bishan Jannaayo.
Sidoo kale waxaa laga billaabo maanta muddo hal toddobaad ah la hakinayaa qaadashada casharrada tooska ah ee dugsiyada dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee magaalada Manila.
Afhayeenka ku meel gaar ah ee madaxtooyada dalkaasi Karlo Nograles ayaa sheegay in xayiraaddan ay saameyn doonto caasimadda Filibiin ee Manila iyo gobollada ku hareereysan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dowladda Filibiin ay la tacaalayso kororkii ugu badnaa ee kiisaska COVID-19 .