DHAGEYSO:Wasaarada awqaafta Soomaaliya oo kulan ka furtay kismaanyo

0
236

Wasiir ku xigeenka wasaarada Awqaafta iyo arimaha diinta dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo wasaarada ka tirsan kuwaasoo maalmihii la soo dhaafay howlo shaqo u joogay magaalada kismaanyo ayaa Furay shirka ka arinsiga istiraatiijiyada qabyo qoraalka wada hadalka Nabada.
Kulankaan waxaa ka qaybgalay Masuuliyiin dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ka tirsan,culimo awdiin iyo shaqsiyaad kale waxaana inta ugu badan shirkaan diirada lagu saaray ka hortaga fakarka xagjirka ah iyo sida uu nabada iyo xasiloonida wadanka caqabada ugu yahay.
Masuuliyiinta shirka ka qaybgashay ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadiisa waxayna hoosta ka xariiqeen sida uu doorka culimada Soomaaliyeed lagama maarmaanka u yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here