Bannaanbax berri ka qorsheysnaa Muqdisho oo la baajiyay

0
359

Shir haatan uga socda Hotel Afriik ee magaalada Muqdisho caasimadda dalka Soomaaliya, Guddiga qaban qaabada bannaanbaxa iyo odayaasha dhaqanka ayaa looga dhawaaqay in la baajiyey isu soo bixi qorsheysnaa maalinta berri ah.
Dib u dhigida banaanbaxa ayaa yimid ka dib markii Odayaasha dhaqanka ay sameeyeen dadaallo dib loogu dhigayo.
Odayaasha iyo guddiga qaban qaabada bannaanbaxa berri ayaa ku balamay in Axad soo socota ay yeeshaan kulan kale oo looga hadli doona wakhtiga xiga ee la qaban karo.
Waxaa ay sheegeen Odayaasha dhaqanka ee Caasimadda in ay uga mahadcelinayaan sida ay u aqbaleen go’aankooda.
Bannanbaxa qorsheysnaa ayaa ahaa mid lagu taageerayo ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble loogana soo horjeedo madaxweyne Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here