SAWIRRO:Tirada dhimashada qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho oo korortay

0
951

Waxa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxii saaka ka dhacay waddada 21 October ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Ugu yaraan 8 qof ayaa dhintay halka 9 kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo marayay waddada 21 October ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.
Wararka ayaa intaa in dadka dhintay 5 ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada booliska ee Soomaaliya.
Khasaaraha ayaa intaa ka badan kara iyadoo wali uu socdo gurmadka loo samaynayo dadka waxyeeladu soo gaartay.
Gawaari badan oo ay ku jiraan kolonyadii la beegsaday ayaa burburay.
Gaadiidka gurmadka degdeg ah ayaa goobta qaraxu ka dhacay ka qaadaya maydadka iyo dhaawaca goobta yaallay.
Illaahadda ma cadda cidda sida dhabta ah loo beegsaday ee la socotay kolonyada la beegsaday, balse qof goobjoog ah ayaa sheegay inuu arkay dad caddaana oo goobta laga qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here