Isimada Puntland oo mar kale la saftay agaasimihii PSF (Diyaano)

0
732

Isimadii maalmahan u fadhiyey xallinta khilaafkii keenay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso dabayaaqadii bishii hore, ayaa xalay soo saaray qodobbo talo soo jeedin ah oo ay u direen xukuumadda Puntland.
Qodobbadaas talo soo jeedinta oo ay isimadu qabaan in lagu xallin karo khilaafkii shaqaaqadaa keenay waxaa kamid ah, in hay’adda PSF ay sii ahaato sideedii hore islamarkaana uu agaasime usii ahaado Sarreeyo Guuto Maxamed Cismaan Cabdullaahi.
Waxaa ay sidoo kale sheegeen in in gogol dib u heshiisiineed ay u dhigayaan madaxweynaha Puntland iyo saraakiisha PSF si loo xalliyo khilaafka.
Go’aamada ay soo saareen isimada ayaa ka dambeeyay, ka dib markii bishii lasoo dhaafay uu dagaal uu Boosaaso ka dhacay kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharci darro, taas oo keentay dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here