Dugsiyada Uganda oo 2 sano ka dib maanta dib loo furay

0
491

Waxaa maanta dib loo furay xarumaha waxbarashada ee dalka Uganda oo muddo ku dhow laba sano albaabada u laabnaa.
Goobaha tacliinta ee dalkaasi ayaa xirnaa tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2020-ka.
Xiritaanka dugsiyada dalka Uganda ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu wakhtiga dheeraa tan iyo markii uu cudurka Covid19 uu dunida ka dillaacay.
Wasaaradda waxbarashada ee wadankaasi ayaa sheegtay in dugsiyada jawiyo kala duwan lagu furayo, si loo xakameeyo ciriiriga waddooyinka ee caasimadda Kampala.
Ilaa 15 milyan oo arday ayaa dalka Uganda waxbarasho la’aan ahaa muddo ku dhow laba sano.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi John Muyingo ayaa sheegay in dhammaan ardayda ay si toos ah dib ugu laabanayaan xarumaha waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here