Luuq: Askari horay u dilay wiil bajaajle ah oo dil toogasho ah lagu fuliyay

0
709

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qaybteeda 27-aad ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo horay u dilay Darawal Mooto Bajaaj ah.
Dilka wadaha Bajaajta ayaa ka dhex dhacay Saldhigga degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo ka mid ahaa Ciidamada Booliska degmada Luuq gacanta ku dhigay saraakiisha ku sugnaa Saldhigga.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qaybta 27-aad ayaa ku eedeysay Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) in uu si bareer ah u dilay Marxuum Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle 3-dii bishii Saddexaad ee sanadkii hore.
Toogashada Askariga dilka gaystay ayaa ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane, waxaana ku sugnaa Ehellada laba Qoys iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.