Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmahii u dambeeyey u socday ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir .
Shirkan waxaa laga soo saaray 18 qodob oo khuseeya hufnaanta iyo jadwaleynta xilliga ay soo dhamaanayso doorashada.
Waxaana la isku raacay in ugu dambayn doorashada la soo gebagebeeyo inta u dhexeysa 15-ka bishan ilaa 25-ka bisha Labaad ee sanadkan.
Dhanka kale arrinta amniga guud ee dalka uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu hore codsaday in lagu wareejiyo ayaa u muuqata in aysan dhaqangelin iyada oo la sheegay in ciidamadu aysan ku milmin siyaasadda, islamarkaana ciidamada Amisom ay xoojinayaan ammaanka madaxtooyada.