DHAGEYSO:Golaha wadatashiga Soomaaliya oo go’aamo maanta laga filiyo

0
783

Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo muddo toddobaad ah shir uga socday magaaalada Muqdisho ayaa gelinka dambe ee maanta la filayaa inay soo gabagabeeyaan shirkooda sidoo kalena ay ka soo saaraan qodobbo ay isku raaceen kuwaasoo arrimaha wadanka gaar ahaan doorashooyinka lagu dhameystirayo.
Caqabadii ugu weyneyd ee shirka hortaagnayd sidoo kalena sababta inuu maalmo badan kulanku qaato ayay wararku sheegayaan inay heshiis ka gaareen hoggaamiyeyaasha Muqdisho ku kulansan.
Xubnaha golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay isku raaceen in Meesha laga saaro qodobkii ku saabsanaa in amniga guud ee dalka lagu wareejiyo ra’iisul wasaaraha ka dib markii Go’aan midaysan laga gaari waayay arrintaasi oo sidoo kale dood ka dhex abuurtay bulshada Soomaaliyeed.
Wararka laga helayo shirka ayaa sheegaya in Meesha laga saaray kala shakigii amni ee madaxtooyada ka jiray gaar ahaa ciidamada kala ilaaliya laba xafiis ee ugu sarreeya dalka Soomaaliya ee kala ah Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul wasaaraha.
Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa la soo sheegayaa inay door bideen in AMISOM la siiyo waajibaad dheeraad ah oo ay ku ilaalinayso amniga labada Xafiis ee dalka ugu sarreeya.
Sidoo kale waxaa la isla gartay in doorashada golaha shacabka dib loo bilaabo bartamaha bishaan ayadoona lagu heshiiyay in ugu yaraan 40 cisho ama ugu badnaan lixdan Cesho lagu soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Waxaa kale oo lagu heshiiyay in kuraastii ay cabashadu ka timid iyo go’aamadii ay gaareen guddiga xalinta khilaafaadka sidooda lagu dhaafo taasoo ka dhigan inaysan jirin kuraaas doorashadoodu dib loogu laabanayo.
Musharraxiintii iyo beelihii cabashada ka muujiyay 4 kursi oo kala ah Kursiga lagu doortay Mahdi Guulleed, kursiga Yaasiin Fareey,kursiga Jawaari iyo kursiga ay ku soo baxday Sareedo ayaa u muuqda kuwo aan waxba laga beddeli doonin hab doorashadoodii.
Habraacyada doorashada oo xubnaha midowga musharaxiintu dood adag ka qabeen ayaa la sheegayaa inay u muuqdaan kuwo aan culays badan la saarin marka laga reebo in Meesha laga saaray lacago la sheegay in laga rabay ergada wax dooranaysa lana adkeeyay habraacii lagu heshiiyay.
Go’aankii uu ra’iisul wasaare Rooble Xilka kaga qaaday Xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Soomaaliya ayaa la isku raacay inuu dhaqangalo balse waxay golaha wadatashigu isku raaceen in wixii hadda ka dambeeya uusan Ra’iisul wasaaraha kali ah wax ka beddeli ku samayn Karin guddiyada doorashada.
Sidoo kale wararka qaar ee warbaahintu heshay ayaa sheegaya in waxba kama jiraan laga soo qaadi doono go’aankii ay xubno ka mid ah guddiga doorashooyinku xilka uga qaadeen guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamad Xasan Cirro loona ogolaan doono inuu shaqooyinkiisa sii wato.
Arrintaan ayaa haddii ay dhabowdo ka dhigan in labada garab midkastaa Sameeyay Tanaasul dhanka kalena kala beddalasho u muuqda.
Xubnaha golaha wadatashiga qaran ayaa maanta la kulmi doonaan Midowga Musharraxiinta, beesha caalamka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed si la iskula wadaago talooyinka ugu dambeeya.
Gelinka danbe ee Maanta ilaa caawa ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo shirka golaha wadatashiga qaran haddii uusan imaan isbeddel kale.
Shirkaan oo muhiim u ah dhamaystirka doorashooyinka Soomaaliya ayaa la filayaa in go’aamada ka soo baxa ay muhiim u noqdaan guud ahaan wadanka ayna xaaladda dajiyaan.
Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kuna saabsan shirka golaha wadatashiga ayaa sheegaya inay hadda shirka ku biireen xubno ka tirsan golaha midowga musharraxiinta Soomaaliya.
Wixii faahfaahin hal aad kala socon doontaan.
Dhanka kale qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya
Waxaa ayna ka codsadeen madaxda Soomaalida inay dalka u turaan.