Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo maanta guddoomay deeq gargaar ah dowladda Imaaraatka Carabta ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay, ayaa dowladda Imaaraadka ka raaligeliyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii Afaraad ee sanadkii 2018-kii.
Mr.Rooble ayaa ballanqaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraatka wakhtiga ugu dhow.
Waxaa uu dhanka kale dowladda Imaaraatka uga mahadceliyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.