Shirka Golaha wadatashiga qaran ayaa maalintii afaraad ka socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdosho, kaas oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayna goobjoog ka yihiin, madaxweynayaasha 5-ta maamul Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Madaxda ayaa Maanta shirka uga arrinsanaya arrimaha la xiriira amniga dalka Soomaaliya oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble doonayo in lagu wareejiyo arrintaasi oo ay aad uga soo horjeedaan Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-Shabeelle iyo caqabadaha haysta doorashooyinka dalka Soomaaliya.
Sido kale Madaxda ayaa falaqaynaya talooyinkii ay soo jeediyeen Midowga Musharraxiinta, Ururrada Bulshada Rayidka, Haweenka iyo Safiirrada Beesha Caalamka ee ku sabsanaa Hufnaanta iyo Dardargelinta Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Shirka Golaha wadatashiga oo dhaafay muddadii loogu talo galay in lagu soo gabagabeeyo ayaa qodobka ugu adag oo Madaxda isku mari la’yihiin uu yahay kana Amniga oo Ra’iisul Wasaaruhu dalbanaya in lagu wareejiyo si doorashada ay u sii socoto.
Golaha wadatashiga doorashooyinka ayaa laga sugayaa inay shirkooda kasoo saaraan go’aamo la xiriira arrimaha doorashooyinka, sida hufnaanta doorashada iyo in wakhti cayiman doorashada Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo.
Home Wararka Soomaaliya Golaha wadatashiga qaran oo isku khilaafsan arrimaha la xiriira amniga dalka Soomaaliya