Puntland oo xabsiga dhigtay askar dooneysay inay hub kala baxaan xarun ciidan

0
559

Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa xalay lagu xiray xabsi ku yaalla Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay isku dayeen inay hub kala baxaan Xarun Ciidan.
Booliska Qardho ayaa xiray 13 askari oo ka tirsan Ciidanka daraawiishta Puntland, ka dib markii uu fashilmay qorshe ay ku doonayeen inay hub iyo saanad kala baxaan Xarunta Tababarka Ciidamada Xorgoble, halkaas oo hubka yaallay.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa laga soo xigtay in inta aan la xirin Askarta uu iska hor imaad kooban dhexmaray Askarta la qabtay iyo Ciidanka Booliska, inkastoo aan wax khasaaro ka dhalan Israsaaseyntii dhacday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in iskudayga lagu doonayay in hubka loogala baxo Xarunta Tababarka Ciidamada Xorgoble ay ku eedeysnaayeen 20 askari oo 13 kamid ah gacanta lagu dhigay, halka 7 kalena ay goobta isaga baxsadeen.
Ciidanka Booliska oo kaashanayay dhigooda Madaxtooyada Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa la wareegay Saldhigga Booliska Magaaladaasi, waxaana saaka degan xaaladda Qordho, ka dib Israsaaseyntii dhacday.