Xukun lagu riday askar Muqdisho ku dishay wiil iyo gabadh walaalo ahaa

0
383

Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku riday laba askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda, kuwaas oo 2-dii Bishii hore ku dilay agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho wiil & gabar walaalo ahaa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) lagu xukumay dil toogasho ah halka Dable Dayax Nuur Cabdi Aadan lagu riday xukun hal sano ah oo u dhiganta dambiga uu galay.
Goobta Maxkamadda oo ay ku sugnaayeen Ehellada Sakariya Maxamuud Xasan iyo Sowdo Maxamuud Xasan iyo labada Askari ayaa lagu soo bandhigay baaritaan la xiriira sida falka uu u dhacay, waxaana la sheegay in rasaasta ay ku geeriyoodeen Sakariya & Sowdo uu riday Dable Xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Keeni-diid) halka Dable Dayax uu riday laba xabadood balse aysan cid waxba ku noqon.
Dacwaddan kiiska dilka labada walaalo oo muddo soo socotay ayaa ugu dambeyntii cadaalad helay, ka dib markii ehellada marxuumiinta ay wacad ku mareen inaysan marnaba aqbali doonin in meel lagu tuuro kiiskooda oo aan waxba laga qaban, haddii kale ay gacantooda ku doonanayaan sharciga.