Maxay kawada hadleen golaha wadatashiga qaran iyo midowga musharrixiinta?

0
446

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Midowga Murashaxiinta.
Midowga Murashaxiinta ayaa u gudbiyey Golaha Wada Tashiga Qaranka qoddobo muhiim ah.
Qoddobadaas waxaa kamid ah turxaan bixinta guddiyada doorashada, amniga iyo in baaris lagu sameeyo dhacdadii 27-kii bishii hore.
Afhayeenka Midowga Murashaxiinta Ridwaan Xirsi, ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka gudbiyeen ay yihiin hubinta odayaasha iyo guddiga xulaya ergooyinka.
Waxaa uu carrabka ku dhuftey inay muhiim tahay in jadwalka doorashada la caddeeyo iyo sidoo kale in wakhti ku filan la siiyo murashaxiinta oo ay uga dhex ololeeyaan ergada wax dooraneysa.