Maxaa diiradda lagu saarayaa shirka golaha wadatashiga qaran oo maalintii labaad galay?

0
344

Waxaa maalintii labaad galaya shirka Golaha Wadatashiga, kaasi oo si rasmi ah shalay uga furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka oo qayb ahaan horay uga billaabatay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.
Khilaaf ayaa hareeyay doorashadani wakhtigeeda la dhaafay, iyadoo Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaalna uu dhawaan kala qaybsamay.
Shirka waxa ka qaybgalaya dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada shanta ah ee Soomaaliya, duqa magaalada Muqdisho iyo Ra’isul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble.
Shirkan ayaa horay waxaa ugu dhawaaqay Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli khilaaf xooggan uu dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa.
Khilaafkan ayaa dib u dhac hor leh u keenay doorashada markii horeba xilligeeda dhaaftay.