Kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dhawaan ku baaqay shir looga hadlayo khilaafka ka taagan arimaha doorashooyinka Soomaaliya,oo lagu qabanayo magaalada Garowe, waxaa dib u dhac ku yimid qabsoomida shirkaas Maadaama Taariikhda uu Madaxweynuhu iclaamiyay Maanta ku began tahay.
Maanta oo ku beegan 15-ka Bisha Febaraayo ayuu qorshuhu ahaa in shirku ka furmo Magaalada Garoowe, balse wuxuu u baaqday sababo la xiriira in Maamulka Puntland ay sheegeen inaan lagala tashan ayna doonayaan dhankooda in shirku ka dhaco Magaalada Muqdisho ee Caasimada, sidoo kale waxaa ku raacay Maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharixiinta Soomaaliya oo dhamaantood sheegay in loo baahan yahay shirka in Muqdisho lagu qabto sidoo kalena la balaadhiyo oo dhinacyo kala duwan ay ka soo qayb galaan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu shalay wareegto ku Magacaabay guddi farsamo oo ka kooban 14 Xubnood, kuwaasoo ka kala socda DFS, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, oo Maalinta berito ah shir ku yeelanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay sidoo kalen ay Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Guddigaan Farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Xubnaha Guddiga ayaa shirkooda waxay uga hadlayaan sida uu u dhici lahaa shirka madasha wadatashiga Madaxda dowladda, ajandayaasha looga hadlayo iyo goobta rasmiga ah ee lagu qabanayo, inkastoo weli dowladda Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in lagu qabanayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Maalmo ka hor qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan aaminsaneyn in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanayo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta oo ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah ee looga arinsanayo arimaha Masiirka umada Soomaaliyeed gaar ahaan doorashada hada la doonayo inay dalka ka dhacdo.