Rw Rooble oo guddi u saaray waxa uu ku tilmaamay isku day afgambi

0
721

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27-kii bishii hore ka dhacday Xafiisyada Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadda
Wasiiradaan ayaa kala ah.
1- Cabdulqaadir Maxamad Nuur-Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxamad Nuur-Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.
4- Gen Bashiir Maxamad Jaamac-Wasiiru dowlaha Howlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir-Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo toddobaad ah.