Miyuu Laftagareen ka qaybgeli doonaa shirkii uu ku baaqay rw Rooble?

0
820

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Laftagareen ayaa mar sii horreysay sheegay inuu ka qaybgaleyn shirka Ra’iisul wasaaraha uu ku baaqay ee golaha wadatashiga qaran balse uu ka qayb galayo kan uu ku baaqay madaxweynaha.
Hase yeeshee bogga radiyaha qaranka Soomaaliya ee Radio Muqdisho ayaa maanta lagu qoray inuu madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen uu ka qayb galayo shirka golaha wadatashiga qaran lana filayo inuu magaalada Muqdisho uu soo gaaro.
Horayna waxaa magaalada Muqdisho ugu sugnaa madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Galmudug, Jubbaland iyo Puntland.
Afhayeenka XFS Maxamad Ibraahim Macallimuu oo bartiisa Facebook-ga qoraal soo dhigay ku sheegay in shirka looga hadli doono dardargelinta iyo dhammeystirka doorashooyinka.
Ra’iisul wasaare Maxamad Xuseen Rooble ayaa dhawaan ku baaqay golaha wadatshiga inay isugu yimaaddaan shir lagu qabanayo magaalada Muqdisho.