Guddiga TSC oo shaqaaleysiinaya in ka badan 5,000 oo macallimiin ah

0
656

Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa sheegaya inuu raadsanaya dhaqaale uu u adeegsan karo howgelinta ugu yaraan 5,000 oo barayaal cusub ah.
Guddoomiyaha TSC Dr Jamleck Muturi ayaa arrinkan ka sheegay shirka sanadlaha ee 17-aad oo ay maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee wadanka ku yeesheen ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta.
Qorshaha TSC ayaa ah in sanad kasta la shaqaaleysiiyo in ka badan 5,000 oo macallimiin ah si xal loogu helo gaabadka jira.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo muddo labo sano gudahood ah ay howlgab ku noqon doonaan 25,000 oo ah macallimiin ay da’doodu tahay 58 sano iyo wax ka sarreeya.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Ukur Yatani Kanacho ayaa horay u soo jeediyay in TSC lagu wareejiyo miisaaniyad dhan 2.5 bilyan oo shilin si ay u shaqaaleysiiso macallimiinta dheeraad ah.
Guddoomiyaha guddigan ayaa hadda sheegaya inay wada tashi la sameynayaan dowladda dhexe sidii ay u heli lahaayeen lacago ku filan oo barnaamijkan lagu hirgelin karo.
Meelaha gaabadka dhanka macallimiinta uu ka jiro waxaa ka mid ah ismaamullada gobolka waqooyi bari ee dalka.