Sharma Boy oo ku guuleystay abaalmarinta fannaanka Afrika ee ugu wanaagsan hoballada kasoo ifbaxaya

0
2183

Fannaanka da’ayarka soomaaliyeed ee Sharma Boy ayaa ku guuleystay abaalmarinta fannaanka soo baxaya ee sanadka 2021-ka ee dalkiisa Soomaaliya.
Waxaa uu abaalmarintan kaga guuleystay fannaaniin kale oo kasoo jeeda dalal ku yaalla qaaradda Afrika.
Tartan sanadle ah oo ka dhacay dalka Mareykanka ayuu abaalmarintan oo lagu magacaabo African Entertainment Awards USA oo micnaheedu yahay (Billadaha madadaalada Afrika ee Mareykanka) ama AEAUSA ayaa munaasabaddeeda lagu qabtay magaalada gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka.
Magacyada musharraxiinta u tartamayay billadaha heerarka kala duwan ayaa la shaaciyay horraantii bishii hore.
Sharma oo matalayay wadanka Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka galay billadda fannaanka Afrika ee ugu wanaagsan hoballada kasoo ifbaxaya waddankiisa.
11 fannaan oo la tartamayay Sharma Boy ayaa kala ahaa:
Nikita Chepchumba Kering, oo caan ku ah Nikita Kering, oo u dhalatay dalka Kenya.
Trio Mio, oo ah fannaan u dhashay Kenya.
Mimi Mars, oo u dhalatay dalka Tanzania.
Halima Bah, oo u dhalatay dalka Senegal.
Leil, oo u dhalatay Morocco
Kobazzie, oo u dhashay Liberia.
Swabbii, oo fadhigiisu yahay Yurub.
JRhyma, oo kasoo jeeda Nigeria balse fadhigiisu yahay Mareykanka.
Tribe Mark, oo ah Mareykanka Madow kana soo jeeda gobolka New Jersey.
Annalie Prime, oo u dhalatay jasiiradda Trinidad and Tobago
Susan Emike Ekwe, oo ku magac dheer Harmonee, oo u dhalatay Nigeria.
Sanadihii dambe ayuu fanka soomaalida si wayn uga soo caan baxay Sharma Boy, isagoo qaada heesaha qoob ka ciyaarka leh ee loo yaqaanno Rap-ka, balse fanka soomaalida aan horay looga aqoon.