Waxaa ay ahayd in ay noqoto mid ka mid ah waqtigyadii ugu farxadda badnayd ee nolosheeda ayaa isu bedashay murugo ka dib markii askari Nigerian ah, la xiray sababa ah inay aqbashay dalab guur iyada oo ku jirta shaqada.
Dhibaatada gabadhan askariga ah ayaa bilaabatay markii muuqaal laga duubay iyadoo aqbashay guurka wiil dhalinyaro ah isaga oo jilba joogsaday uu aad ugu baahay baraha bulshada.
Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya xubno kale oo ka tirsan militariga Nigeria oo marqaati ka ah soo jeedinta ka dibna farxad iyo bogaadin u diraya labada is jecel. Si kastaba ha ahaatee, haweeneyda , arrimaheeda aad uma fududaan.
Tani ma ahayn tilmaan jacayl oo fudud oo internetka gashay, laakiin caddaynta muuqaalka oo ah gabadh askari ah oo aqbashay in ay guursato tababare ka tirsan xerada militeriga ee dawladda, taas oo aan la ogolayn.
War qoraal ah ayaa lagu sheegay in tababaraha ay shaqadiisa tahay oo kaliya tababarida saraakiisha askarta ee aan laga doonayn inuu u soo bandhigo soo jeedin guur.
Ku lug yeelashada jaceylka adiga oo ku labisan dareyska booliska ma ahan wax ay raali ka yihiin ciidamada Nigeria, sidaas darteed haweeneyda dambiga geysatay, oo lagu magacaabo Sofiyat Akinlabi, ayaa lagu soo waramayaa in la xiray, falkaas oo dhaliyay falcelin caro leh oo ka yimid kooxaha xuquuqda aadanaha iyo dadka u ololeeya.
Qaar badan ayaa ku tilmaamay go’aanka mid “mid aan la aqbali Karin “, iyaga oo sheegaya in ragga ay sameeyaan arrimo la mid ah iyaga oo aan la kulmin wax cawaaqib ah
Askariga la xiray ayaa taageero badan ka helay dhanka Internet-ka oo isugu jira dadweyne iyo dad badan oo caan ah, balse waxaa la arki doonaa haddii uu Ciidanku go’aansado in uu u hoggaansamo codsiyada lagu sii deynayo. Kumanaan reer Nigeria ah ayaa saxeexay codsi online ah oo ku saabsan sii deynta Akinlabi, laakiin waxay ku sii jirtaa xabsiyada ka dib toddobaad oo ay xidhnayd.