DHAGEYSO:Agaasimaha Magacaaba ee PSF oo sheegay in tuutaha ciidanka la badalay

0
1056

Agaasimaha uu dhawaan madaxweynaha maamulka Puntland u magacaabay hay’ada PSF Amiin Xaaji Khayr ayaa sheegay inuu darayska ciidanka badalay maadaama sida uu hadalkiisa u dhigay uu tuutihii hore ee ciidanka PSF Faraha ka baxay oo uu gacanta u galay waxa uu caday ugu yeeray sidaas darteedna la badalay.
Amiin xaaji khayr ayaa sheegay inaan tuutadaha la kala garanayn kuwa gacantooda ka baxay iyo kuwa sida sidaas darteedna ay go’aansadeen inay gabi ahaanba badalaan.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay saldhiga ay ciidanka PSF ku leeyihiin buuraha Galgala halkaasoo uu markii ugu horaysay booqdyay.
Dhanka kale magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa ka socda kulamo ay leeyihiin masuuliyiin hore oo xilal ka soo qabtay dolwada dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland.
Kulamadaan ayay la qaadanayaa isimada deegaanada maamulka Puntland waxayna kaga arinsanayaan sidii xal looga gaari laaha khilaafka gacan ka hadalka sababay ee soo kala dhexgalay madaxweynaha Maamulka Puntland iyo agaasimihii hay’ada PSF ee uu xilka ka qaaday balse qaadacay xilka qaadistaas.
Wararka ayaa sheegaya in kulamada dhinacyadaan maanta dhexmaraya lagu magacaabayo gudi gaar ah oo ka soo talo bixiyay waxyeeladii ka dhalatay dagaalkii magaalada Boosaaso ku dhexmaray ciidamada PSF iyo kuwa madaxweynaha Puntland ka amar qaata.
Masuuliyiintaan iyo isimada ayaa sidoo kale lagu wadaa inay kulamo la qaataan agaasimaha ahy’ada PSF ee xilka laga qaaday balse ka hor yimid xilka qaadistaas.