Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay waaberigii hore ee saaka dagaal ku galeen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, magaalada Muqdishana dhanka Waqooyiga uga beegan 35km halkaasoo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Maamulka degmadaasi.
Goobjoogayaal ayaa waxay warbaahinta Gudaha u sheegeen in dagaal muddo kooban socday kadib ay Al-Shabaab la wareegeen Xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Balcad, sida, Waaberi Star, Halgan, Horseed, Waaberi Irdoole iyo sidoo kale Farisiinka ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka ee Koontoroolka Buundada degmada Balcad.
Intii uu dagaalka socday wararka ayaa sheegaya in Qoriga hoobiyaha uu ka dhacay Qoys degan Xaafada Waaberi Star, waxaana ku dhaawacmay 5 Ruux oo laba kamid ah uu dhaawacooda daran yahay, kuwaasoo loo qaaday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Majiro khasaaro dhimasho ah oo la sheegay inuu ka dhashay dagaalka degmada Balcad ku dhexmaray Ciidanka amaanka iyo Al-shabaab, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ay sheegayan in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Balcad, isla markaana ay dib ugu soo laabteen Ciidamada Maamulka degmada oo markii hore aaday dhinaca Xaafada Xaawa Taako.
Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad ayaan sidoo kale weli ka hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee degmadaas walow markii dambe ay isaga baxeen.