Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Qaarada Afrika ayaa faah faahin guud ka bixisay kulamo gaar gaar ah oo dhanka fogaan araga ay kula yeelatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Waxay sheegtay inay ku boorisay Madaxweyne Farmaajo inuu ku taageero Ra’iisul Wasaare Rooble Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo dhameystirka doorashooyin lagu kalsoonaan karo, sidoo kalena lagu adkeeyay in si degdeg loogu baahan yahay in la joojiyo hadalada iyo ficilada sii hurinaya xaalada, isla markaana lagu adkeeyo in Ciidamada ammaanka ay dhex dhexaad ka noqdaan dhamaan arimaha dalka ka jira.
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee Afrika ayaa caddeysay taageerada ay u hayaan dadaalada doorashada lagu dhamaystirayo iyo qabsoomida shirka Golaha Wadatashiga Qaran, si loo saxo khaladaadka doorashada iyo in si degdeg ah loo soo gabagabeeyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale waxaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada inay joojiyaan falalka hurinta, isla markaana ciidamada ammaanka ay dhexdhexaad noqdaan.
Mareykanka Ingiriiska iyo inta badan dalalka taageerada siiya Soomaaliya ayaa ka walaacsan khilaafka u dhaxeeya madaxda dalka ugu saraysa iyagoo ku baaqaya in xaaladda la dejiyo si doorashooyinka loo dhameystiro.
Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiiradda Dowladda Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Danjirad Kate Foster.
waxay ka wada hadleen xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo gaar ahaan khilaafka hogaanka sare,doorashooyinka iyo amaanka wadanka waxayna labaduba hoosta ka xariiqeen in xaaladahaan sida ugu haboon loo wajaho ayoo danta shacabka iyo hormarka wadanka la eegayo.
Safiirada Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya ayaa waxay kulamo kala duwan la qaadanayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay in xaaladda la dejiyo, isla markaana doorashooyinka la dhameystiro si wadanka xasiloonidiisa loo adkeeyo.
Dhanka kale Wasaaradda arrimaha gudaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa kulan wacyi galin ah waxay ku qabatay degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.
Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa barnaamijkaan oo loogu magacdaray wax isku darsiga bulshada waxay diirada ku saartay nabada iyo wada noolaanshada bulshada.